Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo si isdabajoog ah uga imaanayay kulan ballaaran oo ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray Xarakada Al-Shabaab iyo beelweynta Xawaadle Sheekh Maxamed.
Kulankaas waxa lagu soo afjaray colaad dhiig badan ku daatay oo labada dhinac dhexmartay afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaana labada dhinac isla gaareen in xalay dhalay laga noqdo wixii lasoo maray, mustaqbalkana lagu qaabilo qalbi-samaan iyo uur fiyoobid.
Inkastoo kulanku ahaa kii ugu sareeyay uguna muhiimsanaa oo dhexmara Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle, sida muuqatana labada dhinacba ay markan go’aansadeen in wixii tagay tiigsi maleh laga soo qaado, hadana afar qodob ayaa ka dhigeysa shirkaas mid leh muhiimad gooni ah, mustaqbalka siyaasadda Soomaaliyana wax ka bedeli doona.
1-Goobta uu Shirku ka dhacay: Wuxuu kulanka ay ku heshiiyeen Al-Shabaab iyo Xawaadle ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, taasoo kamid ah magaalooyinka ay gobolka Hiiraan ka degto beesha. Waxaa xusid mudan in magaaladani ay ahayd halkii laga soo abaabulay dagaalkii dhexmaray labada dhinac.
In manata isla magaaladii dagaalkaas laga soo abaabulay ay ku kulmaan waxgaradka Xawaadle Sheekh Maxamed iyo Xarakada Al-Shabaab, laguna soo afjaro dagaalkii cuslaa, waxay ka tusineysaa in si fog looga fiirsaday abaabulka shirka, sidoo kalena dhinacyadu ka go’antahay in heshiisku noqdo mid adag oo miro-dhal ah.
2-Tirada Odoyaasha Dhaqanka Xawaadle: Sida ay sheegeen odoyaasha Xawaadle ee kasoo muuqday muuqaallada ay soo saareen warbaahinta Al-Shabaab, waxaa kulanka ka qeybgalay 83 kamid ah waxgaradka Xawaadle, kuwaasoo matala dhamana jufooyinka Xawaadle.
Sida ka muuqata tirobadnida Odoyaasha Xawaadle, waxay Xawaadle isla garteen in shirkan iyo natiijadiisaba ay noqoto wadar-ogol marka laga hadlayo gudaha beesha, oo aaney jirin jufo ku doodi karta in talada la’aanteeda la qaatay.
Mid kamid ah odoyaashii ka qeybgalay kulanka ee Xawaadle ka socday, wuxuu sheegay in noloshiisa aanu ka qeybgelin kulan Xawaadle leeyahay oo ay isugu yimaadeen odoyaal intan la eg.
3-Biseylka Al-Shabaab: Inkastoo Xarkaada Al-Shabaab ay tahay xarako Islaami ah oo qoriga sidata, dagaal adagna kula jirta ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya jooga iyo maamullada la socda, sooyaalkeedana ay dad badani ku tilmaamaan inuu ku suntanyahay adeyg, hadana waxay maanta Al-Shabaab soo bandhigtay wejigeeda dhabta ah ee dhanka maamulka.
Waxaa kulanka dhexmaray Al-Shabaab iyo Xawaadle Sheekh Maxamed uu banaanka soo dhigayaa biseylka ay Xarakadu gaartay, kaasoo inta badan uu daboolayay dagaallada laayaanka ah ee ay ku qaado xeryaha ciidamada iyo weerarada qaraxyada ee ay ka fuliso bartilmaameedyada hay’adaha Dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho.
Waxay Xarakadu markii ugu horeysay soo bandhigtay qaar kamid ah masuuliyiinteeda, oo sheegaya iney ka dhasheen beesha Xawaadle, iyaguna ay qeyb ka ahaayeen heshiiska nabadeed ee la gaaray, raggaas waxaa kamida h Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aadan iyo Sheekh Abuu Cabdalla.
4-Gebi-dhacleynta Xasan Sheekh: heshiiska Xawaadle Sheekh Maxamed iyo Al-Shabaab ku gaareen magaalada Maxaas, wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Xasan Sheekh Maxamuud wajahayo duufaanno siyaasadeed oo uga imaanaya jihooyin kala duwan.
Wuxuu lumiyay Xasan Sheekh kalsoonidii ay ku qabeen reer galbeedka iyo dowladaha Afrika ee ciidamadoodu joogaan Soomaaliya. Siyaasiyiinta ku kula wareegi jiray kursiga ayaa dhankooda dareemaya in saaxiibkooda aanu dooneyn inuu kursiga Villada baneeyo, taasoo ku qasabtay iney kulamo gaar ah ku yeeshaan dibadda, iyagoo ka arinsanaya tallaabada ay qaadi karaan.
Dhanka kale Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu wajahayaa culeesyo aan kala joogsi lahayn oo uga imaanaya siyaasadaha isdiidan ee gudaha, magaalooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo Marko ayaana iminka ah furimo adag oo ku biiraya ololaha lagu doonayo in Xasan Sheekh kursiga looga rido.
Ugu dambeyntii; haddii uu mirodhal noqdo heshiiska Xarakada Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle Sheekh Maxamed, waxay ka dhigantahay in wadahadalladu yihiin albaab lagu xiri karo colaado muda soo socday, xigtada iyo qaraabada waxa kala gaarana wasiilada ugu wanaagsan ee lagu xallin karo ay tahay in la wada fadhiisto, wixii dhaceyna si degan looga doodo.
Al-Shabaab waxay kulankii Maxaas ka faa’ideysaa iney u gacan banaanaato qolyaha ay sida rasmiga ah dagaalka ugula jirto oo ah ciidamada Shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka, halka Xawaadle ay iyaguna nabad u heli doonaan dadkooda iyo deegaannadooda, taasoo la la’sanaa waayadii lasoo dhaafay.
W/Q: Warsame Ugaas.
